Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa u yeeray mudanaha laga soo doortay deegaanka Bariga Mumias ee ismaamulka Kakamega Peter Salasya.
Waxaa loo haystaa inuu 12-kii bishan goob uu aas ka socday uu ku dharbaaxay wakiilka deegaanka hoose ee Malaha-Isongo-Makunga, Peter Walunya Indimuli .
Madaxa fulinta ee EACC, Twalib Mbarak ayaa sheegay in xildhibaanka laga doonayo inuu guddiga ka soo hormuuqdo Talaadada soo socoto.
Waxaa uu qori doonaa farriin ku aaddan sababta keentay inuu wakiilka u gacan qaado.
Peter Salasya ayaa abaare 9-ka subaxnimo ee 23-ka bishan tagi doono xarunta dhexe ee guddiga EACC ee Integrity Centre ee magaalada Nairobi.
EACC ayaa sheegtay in siyaasigan uu baal maray xeerarka hoggaanka iyo hufnaanta laga doonayo madaxda sida ku qeexan cutubka 6-aad ee dastuurka dalka.




