EACC oo sheegtay in ay Ezra Chiloba dembi ku waysay

0
168

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in uunan helin caddeymo ku filan oo loo cuskan karo eedeymo loo jeediyay madaxii hore ee maamulka isgaarsiinta dalka Ezra Chiloba.
Waxaa loo haystay in si aan habboonayn uu u maareeyay hannaanka amaahda guriyaha ee shaqaalaha maamulka taasi oo uu si shakhsiyeed uga faa’iiday.
Balse EACC ayaa sheegtay in baaritaano dheer ka dib aynan u soo bixin caddeymo wax ku ool ah oo eedeyntaasi lagu saleyn karo.
26-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii EACC eedeymahan lala wadaagay.
Chiloba ayaa dhawaan loo magacaabay qunsulka guud ee Kenya ku matalaya Los Angeles oo ka tirsan Maraykanka.