Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa dadweynaha ku boorriyay inay qayb ka noqdaan dadaallada looga hor tagaya lunsashada kheyraadka dalka.
EACC ayaa hoosta ka xarriiqday in tani ay dardargelin karto in wadanka uu barwaaqo gaaro.
Guddiga ayaa shacabka u sheegay in waajibaadka saaran ay ka mid tahay inaynan u dulqaadan ama taageerin falalka wax isdaba marinta, inay EACC ku soo wargeliyaan dhacdooyinka musuqa , inay la xisaabtamaan hoggaamiyaashooda , inay u hoggaansamaan dastuurka wadanka lagu maamulo sidoo kalena ay soo celiyaan haddii ay jirto hanti dadweyne oo ay lunsadeen.
YOUR ROLE AS A CITIZEN
1. Shun corruption, do not tolerate or support it
2. Report any suspected corrupt conduct
3. Desist from glorifying corruptly acquired wealth.
5. Demand accountability from leaders
6. Return any stolen public property in your possession
7. Obey the law— EACC (@EACCKenya) December 12, 2022