EACC oo loo oggolaaday inay dib u hesho ugu yaraan 7 milyan oo ay lunsadeen saraakiisha Isiolo

0
395

Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC u oggolaatay inuu dib u soo celiyo in ka badan 7 milyan oo shilin oo la rumeysan yahay inay lunsadeen 13 ka mid ah howlwadeennada ismaamulka Isiolo.
Lacagtan ayay saraakiisha ku heleen siyaabo aan sax ahayn.
Bayaanka EACC waxaa ku cad in dowladda hoose ee ismaamulka Isiolo ay sanadkii 2014-kii lacagtan siisay shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Fish Nets Enterprises Limited taasi oo ay lahaayeen shaqaale ka tirsanaa ismaamulka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkaddan aynan wax qalab ah ku wareejin dowladda hoose ee Isiolo sidoo kalena aynan adeeg u fidin.
Guddiga EACC ayaa laga soo xigtay in saraakiisha fadeexaddan ku lugta leh ay isticmaaleen dokumeentiyo been abuur ah iyagoo ka dhigaya in shirkaddaasi ay qaybisay cuntooyin ay ka mid yihiin 300 oo kiish oo bariis ah, 250 kiish oo sokor ah ,400 oo kiish oo boosho ah, 485 oo ah bur iyo ilaa 300 oo midkiiba uu yahay 20 liitar oo saliida cuntada lagu karsada ah.
Garsoore Esther Maina ayaa go’aamisay in dhammaan 13 eedeysanayaal ee falkan lala xiriirinaya laga doonaya in ay si wadajir ah u bixiyaan 7,220,000 oo shilin iyo lacago dulsaar ah laga soo billaabo sanadkii 2014-kii xilligaasi oo lacagtan ay qaateen.
5.1 milyan oo lacagtan ka mid ah oo bangiga ku keydsan laguna diiwaangeliyay magacyada Bonaya Dida Bonaya iyo Qabale Wario Halake ayay EACC dib ula wareegi doontaa.
Maxkamadda ayaa xayirtay in lacagtan lala baxo ilaa iyo inta kiisaskan laga soo gabagabeynaya.
Shakhsiyaadka fadexaddan loo haysto waxaa ka mid ah saddex ka mid ahaa saraakiisha sare ee waaxyaha ismaamulka Isiolo iyo gacan yaraha barasaabkii hore ee dowlad deegaankaasi.