EACC oo ka digtay in lacago lagu musuqmaasuqo u diyaar garowga El Nino

0
194

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa soo saaray digniin ah inay suurtagal tahay in lagu tagriifalo lacagaha dadweynaha iyadoo la cuskanaya u diyaar garowga ka falcelinta saameynta roobabka culus ee la rajeynaya ee El Nino.
EACC oo arrinkan bayaan ka soo saartay ayaa nuqullo la wadaagtay madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei, hanti dhowraha qaranka Nancy Gathungu iyo madaxa fulinta ee golaha barasaabyada ismaamullada ee CoG Mary Mwiti.
EACC ayaa doonaysa in dhammaan howlaha soo iibsashada qalabka iyo qandaraasyada ee ay bixinayaan wasaaradaha dowladda dhexe , waaxyaha hoos tago iyo ismaamullada ee ku aaddan tallaabooyinka la doonaya in lagu yareeyo saameynta roobabka ay noqdaan kuwo waafaqsan xeerarka degsan ee maareynta lacagaha dadweynaha ee PFM Act.
Guddiga ayaa sheegay in haddii hanti dadweyne lagu lunsado u diyaar garowga roobabka culus ee la rajeynaya in si shakhsiyeed loola xisaabtami doono saraakiisha qaabilsan xisaabaadka.
Bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii waaxda saadaasha hawada ee dalka ay sheegtay in roobabka El Nino ee ay soomaalidu u taqaano dayr biyo badan ay billaaban karaan bishan gudaheeda oo aynan soconayaan ilaa bisha koowaad ee sanadka 2024-ta.
Saadaasha la xiriirta in roobabkan ay ka da’i karaan gudaha wadanka ayaa ah in ka badan boqolkiiba 90 sida ay sheegtay waaxda saadaasha hawada.
Waxaa la filayaa in maalmaha nagu soo aaddan ay roobab uu heerkoodu caadi yahay ay ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Hasa ahaate saadaasha ayaa tilmaamaysa in deegaannada xoolo dhaqatada ee loo yaqaano oomanaha ama ASALs sida ismaamullada Marsabit, Turkana, Baringo, Samburu, Wajeer, Garissa, Tana River, Kilifi, Kwale, Taita Taveta, Mandera, Narok iyo Isiolo ay ku dhufan karaan fatahaado.
Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dhul go’ uu saameeyo ismaamullada Elgeyo Marakwet iyo West Pokot.
Saadaashii ugu dambeysay ee ka soo baxday waaxda ayaa muujinaysa in roobabka la rajeynaya aynan noqon doonin kuwo u culus sidii horay loo saadaaliyay marka la eego baaxadda.