EACC oo doonaysa inay dib ula wareegto dhulal lagu dhacay Naivasha

0
272

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa doonaya inuu dib ula wareego dhulal labo ah oo la rumeysan yahay in lagu dhacay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Dhulalkan dadweyne ayaa qiimo ahaan ku fadhiya 1.3 bilyan oo shilin.
Dokumeentiyada maxkamadda loo gudbiyay ayaa muujinaya in dhulalkan uu si aan habboonayn waaxyo gaar ah ugu wareejiyay guddoomiyihii hore ee arrimaha dhulalka Wilson Gachanja.
Shirkadaha lagu wareejiyay ayaa lagu kala magacaaba Pineapples Edge Limited iyo Trojan Nominees Limited.