EACC oo doonaysa inay dib ula wareegto dhul si sharci darro ah loo bixiyay

0
309

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa maxkamadda dacwad u gudbiyay.
Waxaa uu guddigu doonaya in loo oggolaado inuu dib ula wareego dhul dadweyne oo si sharci darro ah loo bixiyay.
Dhulkan oo ku yaalla ismaamulka Nakuru ayaa qiimihiisa lagu sheegay 100 milyan oo shilin.
EACC ayaa ku doodaysa in madaxii hore ee arrimaha dhulalka dalka Sammy Mwaita uu dhulkan si sharci darro ah ugu wareejiyay walaalkiisa Hillary Kipkorir Mwaita.
Maxkamadda ayaa shakhsigan ku amartay in uunan dhulkan iibin ama si kale u isticmaalin.