EACC oo dib ula wareegtay dhulal la dhacay oo ku yaalla Eldoret

0
353

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay inuu dib ula wareegay dhulal dadweyne oo si sharci darro ah lagu qaatay.
Dhulalkan oo ku yaalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayuu qiimahooda lacageed yahay 3.2 bilyan oo shilin.
EACC ayaa laga soo xigtay in dhulalkan ay markii hore lahaayeen waaxda garsoorka ee dalka , booliiska, isbitaalka wayn ee Uasin Gishu , waaxda dab damiska ee ismaamulkaasi iyo golaha hoose ee dowlad deegaankaasi.
Afhayeenka guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC Eric Ngumbi ayaa sheegay in dhulalkan ay dhaceen shirkado khaas ah oo ay leeyihiin dad caan ah iyagoo kaashanaya saraakiisha wasaaradda dhulalka ee musuqmaasuqa sameeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in hadda baaritaano lagu hayo hanti kale oo dhan 97 oo qiimo ahaan dhan 7.4 bilyan oo lagu wado in dadweynaha dib loogu soo celiyo.