EACC oo dib ula wareegtay dhul la dhacay

0
384

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa dib ula wareegay dhul daweyne oo si boob ah lagu qaatay kaasoo uu qiimihiisu yahay 430 milyan oo shilin.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga uu oggolaansho ka helay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi qaybteeda arrimaha deegaanka iyo dhulalka.
Dhulkan ayaa loogu talagalay inuu noqdo kala gudka waddada Mombasa Road iyo midda Eastern Bypass gaar ahaan goobta Cabanas.
EACC ayaa sheegtay in dhulkan uu sanadkii 2001 bixiyay madaxii hore ee arrimaha dhulallka Sammy Mwaita.
Garsoore Loice Komingoi oo ka howlgasho maxkamadda deegaanka iyo dhulalka ayaa sheegtay in dhulkan si aan sharci ahayn loogu wareejiyay shirkadda Wak Ltd.