Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa shaqaalaha dowladda ee akoonnada bangiyeed ku leh wadanka dibadiisa ku amray inay guddiga oggolaansho ka helaan.
Madaxa fulinta ee guddigan, Twalib Mbarak ayaa bayaan ku sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono saraakiisha aan u hoggaansamin amarkan.
EACC ayaa sheegtay inay dembi tahay in qofka uu lahaado akoon noocani ah iyadoo aan loo ansixin.
Waxaa uu Twalib soo xigtay farqada 76-aad ee dastuurka dalka qaybta labaad oo lala akhrinaya qaybta 19-aad ee xeerka hoggaanka iyo hufnaanta ee Leadership and Integrity Act oo qeexaya in sarkaal dowladeed uunan furan karin ama uunan u shaqeyn karin akoon bangiyadeed oo wadanka dibadiisa ah iyadoo aynan tani meel marin guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC.
Bayaanka waxaa ku cad in tani aynan howlwadeenno badan u hoggaansamin iyadoo xeerkan uunan qabanayn shaqaalaha safaaradaha Kenya ay ku leedahay dibadda.
Waxaa uu qofka dembigan ku muteysan karaa xabsi shan sano ah ama ganaax lacageed oo ah 5 milyan oo shilin ama in labaduba la isugu daro.
Sarkaalka dowladda ayaa laga doonaya inuu warbixinta sanadlaha ee akoonkiisa bangiyeed u gudbiyo guddiga EACC ugu dambeyn 31-da bisha koowaad haddii la xirayna waa in guddiga caddeymo loo bandhigo muddo 30 cishe gudaheeda ah.




