Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa billaabay qiimeyn ku aaddan falalka wax isdaba marinta.
Waxaa uu guddigu si gaar ah u bartilmaameedsanaya waaxyaha soo iibinta agabka , shaqaaleysiinta iyo maareynta lacagaha ee ismaamulka Siaya.
Arrintan ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Dr .Cecilia Mutuku oo ka mid ah saraakiisha sare ee EACC iyo barasaabka dowlad deegaanka Siaya James Orengo.
EACC ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan looga gol-leeyahay ka hor tagga lunsashada hantida dadweynaha ee ismaamulkaasi.
Waxay tani ku soo beegmaysa iyadoo ay socdaan baaritaano la xiriira falal musuqmaasuq iyo ku takriifal awoodeed oo laga soo tabiyay Siaya.




