EACC oo beenisay inay is hor taagtay odayga barasaabka Meru

0
405

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa beeniyay warar sheegaya in odayga guddoomiyaha ismaamulka Meru Kawira Mwangaza oo lagu magacaabo Murega Baichu uu u diiday inuu ku noolaado hooyga rasmiga ee barasaabka oo xaaskiisa ah sidoo kalena uu isticmaalo baabuurkeeda.
Khamiistii ayay ahayd markii Baichu uu ku andacooday in danta ay ku qasabtay inuu raaco mooto ka dib markii laga hor istaagay inuu ku safro gaadiidka dowladda ismaamulka Meru.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inuu ku hooydo guri kale.
Hasa ahaate guddiga EACC ayaa qoraal ku sheegay in uunan dan ka lahayn ama aynan muhiim u ahayn arrimaha qoyska barasaabka sidaas awgeedna uunan faragelin.