Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa baarlamaanka ku boorriyay in uunan ansixin magacaabidda wasiirka wasaaradda iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar Wycliffe Oparanya .
EACC oo ka jawaabaysay warqad uu u soo qoray karaaniga baarlamaanka dalka Samuel Njoroge ayaa sheegtay inuu mugdi ku jiro hufnaanta barasaabkii hore ee ismaamulka Kakamega.
Guddiga ayaa sheegay inuu baaritaano ku sameeyay eedeymo la xiriira musuqmaasuqa oo Oparanya loo jeediyay xilligii uu barasaabka ahaa sidaasi awgeedna ay jiraan su’aallo laga doonaya inuu ka jawaabo.
EACC ayaa intaasi ku dartay in ay maxkamadda u gudbisay codsi ku aaddan in la xannibo hantida siyaasigan maadaama laga shakiyay inuu ka macaashay falalka wax isdaba marinta .
Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay in arrintaasi ay weli hor taalla maxkamadda.
EACC ayaa doonaysa in guddoomiyihii hore ee Kakamega laga hor istaago inuu isticmaalo hanti uu qiimaheeda lacageed yahay 28.9 milyan oo shilin.
In kastoo guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC uu ansixiyay magacaabidda wasiirrada kale , waxaa caqabad wajahaya Oparanya oo uu qorshuhu yahay in la turxaan bixiyo Axadda soo socoto.