EAC oo digniin ka soo saartay Ebola

0
333

Jaaliyadda Bariga Afrika ee (EAC) ayaa waddamada xubnaha ka ah ugu baaqday inay sare u qaadaan diyaar garowga iyo falcelinta ka dhanka ah cudurka Ebola.
Tani ayaa timid ka dib markii wadanka Uganda uu cudurkani ka dillaacay.
Xoghaynta EAC ayaa sheegtay inay ka go’an tahay isku dubaridka dadaallada degdegga ee gobolka.
Warbixintii ugu dambeysay ayaa tilmaamaysa in 6 ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka guud ee Mubende ee dalka Uganda laga helay Ebola.
Kenya ayaa ka mid ah waddamada heeganka sare ku jira waxaana cudurka laga cabsi qabaa inuu saameeyo ilaa 20 waddan.