Waxaa markii ugu horreysay ku dhawaad muddo toddobo sano ah dib u billowday duullimaadka tooska ah ee u dhexeya Yemen iyo Sacuudi Carabiya.
Diyaarad sidday in ka badan 270 qof oo u dhashay Yemen oo ka duushay magaalada ay fallaagada gacanta ku hayaan ee Sancaa ayaa u ambabaxday magaalada Riyaadh ee boqortooyada Sacuudiga.
Tani ayaa muujinaysa in ay yaraatay xasaradii ka dhexeysay labada dhinac.
Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda duullimaadka ee Yemenia ama Yemen Airways ayaa rakaabkan oo Xujey ah xalay u qaadday Sacuudiga.
Madaxa gagida caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Sancaa ,Khalid al-Shayyef ayaa sheegay in diyaaraddan ay ka mid tahay ilaa 5 duullimaad oo ay raaci doonaan dadka doonaya inay sanadkan soo xajiyaan.
Bishii Siddeedaad ee sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii isbeheysiga militari ee uu Sacuudiga hoggaaminaya ee dowladda Yemen ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta uu xiray garoonka diyaaradaha ee Sancaa .
Tallaabadaasi ayaa qayb ka ahayd xayiraad dhanka hawada iyo badda ah oo lagu soo rogay Xuutiyiinta.