Waxaa ay 293 cishe ka soo wareegatay duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka 24-kii bishii labaad ee sanadkan ku qaadday Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo saaxiibbada Ukraine lagu wado inay kulan ku yeeshaan caasimadda Faransiiska ee Paris si ay taageero ugu muujiyaan xukuumadda Kyiv.
Waddamada xubnaha ka ah dalladda (G7) ayaa sheegay inay Ukraine ka caawin doonaan dhanka hannaanka la iskaga difaaco weerarrada cirka.




