Ku dhowaad 200 oo duuliye oo ka tirsan ciidamada cirka Israa’iil ayaa Talaadadii mudaharaad ka dhigay agagaarka xarunta guud ee taliska ciidamada ee Tel Aviv, iyagoo ka soo horjeestay qorshaha Raa’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu dib ugu qabsanayo Marinka Qaza, iyagoo xusay khataraha uu qorshahan ku hayo dadka la haysto iyo askarta ku sugan xayndaabkaas.
Duuliyeyaasha kaydka iyo kuwa howlgabka ah ayaa muujiyey taageeradooda Taliyaha Guud ee Ciidanka, Eyal Zamir, oo ka soo horjeeda ballaarinta dagaalka, isla markaana doorbidaya heshiis lagu sii deynayo dadka la haysto, sida uu qoray wargeyska Maariv.
Guddiga Amniga Qaranka ee Israa’iil ayaa Jimcihii la soo dhaafay ansixiyey qorshe dib loogu qabsanayo Qaza go’aankan ayaa horseeday mudaharaadyo gudaha ah, iyadoo dhaleeceeyayaasha ay ku tilmaameen “xukun dil ah” oo lagu riday dadka la haysto.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in ay jiraan khilaafyo u dhexeeya Zamir iyo Netanyahu tan iyo markii uu Raa’iisul Wasaaraha uu soo bandhigay qorshaha dib u qabsiga Qaza, taasoo Israa’iil ay gacanta ku haysay muddo 38 sano ah intii u dhaxaysay 1967-kii ilaa 2005-tii.