14 qof ayaa ku dhintay halka 124 kalena lagu la’yahay bariga Taiwan ka dib markii ay duufaanta Ragasa ku dhufatay Hong Kong.
Inta badan dadka dhintay waxa ay ahaayeen dad da’ ah oo awoodi waayay in ay ka baxsadaan daadadka ka soo rogmaday Harada Matai’an Creek Barrier ee ku taal Magaalada Guangfu, ee ismaamulka Hualien sida ay sheegtay Waaxda Dab damiska degmada Hualien.
Waaxda dab damiska ayaa intaa ku dartey in 34 qof ayaa ku dhaawacantay iyadoo ay socdaan gurmadka dadka la la’yahay,.
Madaxweynaha Taiwan William Lai Ching-te ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay goor dambe oo Talaadadii in dhammaan wasaaradaha dowladda iyo militariga heegan la geliyay si ay gacan uga geystaan wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah iyo musiibooyinka.