Duufaanta Kalmaegi oo u wareegtay dhanka Vietnam

0
170

Khuburrada saadaasha hawada ayaa sheegaya in duufaanta loo yaqaano Kalmaegi ay sii xoogeysatay una wareegtay dhanka dalka Vietnam.
Tani ayaa timid ka dib markii ay saameysay waddanka Filibiin oo ay ku dhinteen 114 ruux.
Waaxda qaabilsan maareynta musibooyinka ee Filibiin ayaa laga soo xigtay in 127 qof oo dheeraad ah weli la la’yahay.
Madaxweynaha dalkaasi Ferdinand Marcos Junior ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah wuxuuna ka digay duufaan kale oo culus oo ku soo wajahan Filibiin.