Duqeymo ka dhacay Suudaan oo mugdi geliyay magaalooyin dhowr ah

0
129

Waxaa lagu soo warramayaa in ay mugdi ku jiraan magaalooyinka waawayn ee dalka Suudaan oo ay ka mid tahay caasimadda Khartoum iyo magaala xebeedda Port Sudan.
Tani ayaa timid ka dib markii duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay saameeyeen warshad muhiim ah oo soo saarta korontada oo ku taalla Bariga Suudaan.
Waxaa la arkayay qiiq cirka isku shareeray oo ka kacay warshaddaasi oo ku taalla magaalada Atbara ee gobolka River Nile oo ay gacanta ku hayaan ciidamada militariga ee dowladda Suudaan ee (SAF).
Waxaa weerarkaasi lagu eedeyay saraakiisha sida militariga u tababaran ee (RSF) .
Labo xubnood oo ka mid ah saraakiisha difaaca rayidka ayaa halkaasi lagu dilay xilli ay isku dayayeen in ay dabka damiyaan.
Mas’uuliyiinta warshadda korontada ayaa intaasi ku daray in ay dhaawacmeen howlwadeennada samatabixinta ka dib weerar labaad oo diyaarad lagu fuliyey.