Duqeymo culus oo ka socda Bariga dalka Ukraine

0
368

Wararka inaga soo gaaraya bariga dalka Ukraine ayaa sheegaya in duqeymo culus ay halkaas ka dhacaan.
Ruushka ayaa saacadihii la soo dhaafay sii xoojiyay duulaankiisa ku aadan Ukraine.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dhawr goobood eek u taala bartamaha iyo galbeedka Ukraine uu Ruushka weeraro ku hayo.
Tan ayaana imaanaysa iyadoo ay mas’uuliyiin ka socota Maraykanka ay wadahadal la leeyihiin madaxweynaha wadanka Ukraine .
Waxaa ayna kala hadli doonaan xaalada dagaal eek a dhex taagan dalalka dariska ah Ruushka Iyo Ukraine.
Maraykanka ayaana ku dhawaaqay inuu Ukraine si deg deg ah u siin doono gargaar cusub oo milateri ah