Duqa magaalada Kyiv ee caasimadda wadanka Ukraine Vitali Klitschko ayaa dowladda Ruushka ku eedeyay inay gaysatay xasuuq.
24-kii bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu Ruushka duullaan militari oo ay saameyn isugu jirto dhimasho iyo barakac uu wadankaasi ku qaaday.
Duqa Kyiv ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada difaaca ee xukuumadda Moscow ay dembiyo dagaal oo loo fuliyay si arxaan darro ah ay ka gaysteen magaalada Bucha ee dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda dalkaasi.
Waxaa uu ku celceliyay in dhibaatooyinka ka dhacay Bucha iyo degmooyinka kale lagu tilmaami karo keliya xasuuq.
Mas’uulkan ayaa sheegay in dad shacab ah la toogtay iyagoo gacmaha ka xiran.
Waxaa uu caalamka si gaar ah dowladda Jarmalka ugu baaqay inay si degdeg ah u soo afjarto shidaalka ay ka keensato dhanka Ruushka.