Dugsiyada oo maanta dib loo furay

0
263

Waxaa maanta dib u furmay dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ee ay ardayda guriyahooda uga hooydaan.
Xarumahan ayaa si ku meel gaar ah loo xiray balse dowladda dhexe oo qiimeyn amni ku sameysay dibadbaxyadii shalay wadanka ka dhacay ayaa amartay in howlaha tacliinta ay sii socdaan.
Bayaan ay xalay fiidkii si wadajir ah u soo saareen wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran , Prof. Kithure Kindiki iyo dhigiisa waxbarashada Mr. Ezekiel Machogu ayaa lagu sheegay in si wayn loo sugaya badqabka ardayda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo mucaaradka Azimio ay maanta iyo berri sii wadayaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda dhexe.