Dugsiyada maalinlaha ah ee ku yaalla goobo doorashooyin ka dhacayaan 29-ka bishan oo la xiri doono

0
324

Iskuullada maalinlaha ah ee ismaamullada Mombasa, Kakamega, iyo sidoo kale lix goobood oo kale oo doorashooyinkooda dib loo dhigay ayaa la xiri doona 29-ka bishan oo ku beegan maalinka Isniinta ee toddobaadka dambe.
Goobahan ayaa loo adeegsan doona in codadka doorashooyinkan ee maalinkaasi laga dhiibto.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoga ayaa sheegay in go’aankan la qaatay si loogu gogol xaaro in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ay xarumahaasi u adeegsadaan goobo codbixineed.
Waxaa uu sheegay in xarumahan waxbarasho dib loo furi doono maalinka xiga ee 30-ka bishan.
Magoha ayaa xusay in dugsiyada hooyga ah ee ku yaalla goobihii doorashooyinkoodi hakadka ku yimid aan la xiri doonin.
Wasiirka ayaa ka codsaday saraakiisha maareynaya doorashooyinkan inay codadka ku tiriyaan kulliyadaha waxbarashada iyo jaamacadaha ee ismaamulladan, si aysan carqalad ugu imaan geddisocodka tacliinta ee dugsiyadan.
Shalay ayay ahayd markii guddiga IEBC uu kulan la qaatay musharrixiinta xilalka guddoomiyaha ismaamullada Mombasa iyo Kakamega ee horraan dib loo dhigay codeyntooda.
Waxaa ayna labada dhinac isku raaceen in doorashooyinkan la qabto 29-ka bishan.
Sidoo kale doorashooyinka xilalka xildhibaananimo ee deegaanka Koonfurta Pokot, Kacheliba oo ka tirsan ismaamulka galbeedka Pokot iyo Kitui Rural ayaa iyagana taarikhdan la qaban doona.