Dugsiyada dowladda oo lagu wareejinayo 16.8 bilyan

0
397

Dowladda ayaa soo saartay lacag dhan 16.8 bilyan oo shilin si loogu wareejiyo xarumaha tacliinta ee aan sida gaarka ah loo lahayn.
Waxaa bixinta miisaaniyaddan xaqiijiyay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee wadanka Prof. George Magoha.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay in 2.1 bilyan oo dhaqaalahan ka mid ah la siin doono dugsiyada hoose dhexe halka 12.7 bilyan loogu talagalay dugsiyada sare.
Wasiirka ayaa xilli uu warbaahinta kula hadlay ismaamulka Elgeyo Marakwet sheegay in maamulayaasha dugsiyada aynan hadda cuskan karin sabab ay ardayda uga eryaan goobaha waxbarashada maadaama sida uu hadalka u dhigay ay haystaan dhaqaale ku filan oo ay ku maareyn karaan howlaha waxbarashada.
Magoha ayaa xusay in xilli dugsiyeedkan uu ka koobnaan doono sagaal isbuuc sidaas awgeedna ay nasiib darro noqonaysa in arday la eryo si uu u bixiyo qarashaadka tacliinta.
Wasiir Magoha ayaa wacad ku maray in tallaabo adag oo sharciyeed laga qaadayo maamulihii aan ardayda fursad buuxda u siin inay casharrada qaataan.
Waxaa uu ku celceliyay in marnaba aan loo dulqaadan doonin in ardaygu uu wakhti uga lumo raadinta qarashaadka waxbarashada maadaama bisha saddexaad ay jiraan imtixaano qaran oo shahaadi ah.