Dugsiyada dalka oo maanta dib loo furay

0
653

Waxaa maanta dib loo furay goobaha waxbarashada ee dalka ka dib markii wasaaradda tacliinta ay horay u shaacisay in ardayda ay dugsiyada ku laabanayaan 10-ka bisha shanaad.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa waalidiinta ugu baaqay in ay carruurta geeyaan goobaha waxbarashada maadaama uu shalay ku ekaa fasaxii ay ku jireen.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo qaybo ka mid ah ismaamulka Baringo ee gobolka Rift Valley ay ka jirto xaalad amni darro.
Waxaa halkaasi ka socdo howlgal amni oo ay ciidamada ammaanka ku beegsanayaan burcad gaysata falal dambiyeedyada ay ka mid tahay dhaca xoolaha.
Sidoo kale qaar ka mid ah warbaahinta dalka ayaa ku warramaya in maanta la shaacin doono natiijada imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare KCSE-da.