Dugsigii saddexaad oo lagu gubay ismaamulka Kericho maalmo ka dib markii iskuulka Litein la gubay

0
349

Guri jiif oo ku yaala Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Tengecha ee deegaanka Bureti ee ismaamulka Kericho ayaa la gubay habeenkii Talaadada, waxaana halkaasi ku basbeelay hanti aan qiimaheeda la garaneyn.
Wararka ayaa sheegaya in dabka uu bilowday abaare 8-dii fiidnimo, iyadoo dadka qaar ay rumeysan yihiin in uu ka dhashay dab la qabadsiiyay dhismaha, oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 arday.
Sida laga soo xigtay goobjoogayaal, qolka jiifka ayaa la qabadsiiyay daqiiqado ka dib markii qeyb ka mid ah ardayda ay rabshado sameeyeen. Si kastaba ha ahaatee dadka deegaanka ayaa si deg deg ah u soo farageliyay oo joojiyay ardaydii mudaaharaadayay.
Inkastoo aan la ogeyn sababta ugu weyn ee mudaaharaadyada, dadka deegaanka ayaa si degdeg ah u damiyay dabka, kaasoo horey u baabi’iyay qeyb weyn oo ka mid ah dhismaha jiifka ee ardayda.
Dhanka kale, labada dhacdo ee ka kala dhacay dugsiyada sare ee wiilasha ee Litein iyo Tengecha ayaa daba socday mid la mid ah oo ka dhacday dugsiga sare ee wiilasha ee Cheptenye, kaas oo sidoo kale ku yaala ismaamulka Kericho.
Dhacdada Cheptenye ayaa dhacday 11-kii September, ka dib markii koox arday ah la sheegay in ay gubeen labo qol oo jiif ah, xilli ay ardayda intooda badan ku jireen casharradii galabnimada. Si kastaba ha ahaatee, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.