Talaabo lagu xoojinayo go’aanka dowladda ee ah in meesha laga saaro nidaamka turxaan bixinta ee muranka dhaliyay iyo dardar gelinta bixinta kaararka aqoonsiga qaran, boqollaal arday oo ku nool ismaamulka Wajeer ayaa u dabaaldegay markii ay heleen aqoonsigooda qaranka hal todobaad oo kaliya kadib markii ay isdiiwaan geliyeen.
Inta badan ardayda oo wax ka barata dugsiga sare ee Gabdhaha Wajeer ayaa la diiwaan geliyay todobaadkii hore mar ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka ay Wajeer ku qabatay madalka Jukwaa la Usalama.
Diwaan galintan ayaa waxaa fuliyay Xafiiska Diiwaangelinta Qaranka (NRB) isagoo adeegsanaysa tignoolajiyada casriga ah ee Live Capture Unit (LCU). Nidaamka ayaa waxaa uu si weyn u wanaajiyey hufnaanta iyo gelitaanka diiwaangelinta aqoonsiga, gaar ahaan meelaha fogfog iyo kuwa taariikh ahaan la takooro.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ardayda si rasmi ah loo gudoonsiiyay kaarkooda aqoonsiga. Munaasabadda ayaa waxaa guddoominayay guddoomiyaha ammaanka dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Wajeer Karuku Ngumo, oo uu gacan ka siiyay diiwaan hayaha dowlad deegaanka Wajeer Galgalo Ofole, oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan NRB.
Horumarkan ayaa astaan u ah dadaalka ugu weyn ee dowladda ay ku dooneyso in ay wax kaga qabato walaacyada fogaanshiyaha ee ka jira gobollada xadka Kenya.
Dib u habayntan ayaa daba socota amar uu soo saaray horraantii sanadkan madaxweyne William Ruto, kaas oo amar ku bixiyay in la soo afjaro hannaankii turxaan bixinta ee sanado badan laga dhaqan gelinayay gobolka Waqooyi Bari. Dhaqankan ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay in dadka deegaanka la baal mariyay xuquuqdooda, isla markaana ay ku adkaatay in qaar badan oo ka mid ah gaar ahaan da’yarta ay helaan aqoonsiyo qaran.
Wasiirka Wasaaradda ayaa xusay in dadka Kenyaanka ah ay hadda ku heli karaan kaararkooda aqoonsiga saddex ilaa toddobo maalmood gudahooda marka la diiwaan geliyo.
Wasiir Murkomen ayaa sheegay in dowladda ay qorshaynayso in ay dib u habayntan ka samayso gobollada kale ee xuduudaha, iyada oo hubinaysa in dhammaan muwaadiniinta ay helaan adeegyada iyadoon loo eegin goob juquraafiyeedka ay joogaan iyo is-diiwangalin siman waqtiga ku habboon.