Dugsiga sare ee Bukhalalire oo la xiray kadib dab dhaawac garsiiyay ardeeyda iskuulkaas

0
643

Dugsiga sare ee Bukhalalire ee ismaamulka Busia ayaa albaabada loo laabay ka dib markii uu dab ka kacay qeybta jiifka oo ugu yaraan lix arday oo dhaawacyo halis ah soo gaareen.
Isaga oo saxaafadda la hadlaya Agaasimaha Waxbarashada ee Maamul-hoosaadka Butula John Kemei ayaa amar ku bixiyay in si aan xad lahayn loo xiro xarunta si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo.
Waxaa uu xusay in go’aanka ah in ardayda lagu celiyo guryahoodii la gaaray kadib kulan ballaaran oo ay la qaateen Guddiga Maamulka Dugsiga.
Isagoo ku dhawaaqayay xiritaanka ku meel gaarka ah ee dugsiga, Kemei waxaa uu ku ammaanay dadka deegaanka ee deggan agagaarka xarunta sida degdega ah ee ay uga howl galeen xakamaynta dabka ka hor inta aanu ku faafin dhismayaal kale.
Dhanka kale, goob joogayaal la hadlay saxaafada ayaa daboolka ka qaaday in dabka uu kacay abaaro 11-kii habeenimo ee Axadda xilli ay ardeyda hurdayeen.
Ardeyda ku dhaawacantay dabka ayaa horaantii la geeyay isbitaalka deeegaanka Khunyagu ka hor inta aan loo gudbin isbitaalka guud ee dowlad goboleedka Busia.
Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa wax ka yar seddex maalmood markii shil kan la mid ah uu ka dhacay dugsiga sare ee wiilasha ee Igikiro ee magaalada Makuyu ee ismaamulka Murang’a, halkaasoo dabka uu ku baabi’iyay hanti aan qiimaheeda la garaneyn.