Ducaale oo xildhibaannada kula dardaarmay in aynan dadka taleefoonnada ka dansan

0
340

Aadan Barre Ducaale oo uu shalay baarlamaanka u ansaxiyay inuu noqdo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka ayaa xildhibaannada baarlamaanka oo uu muddo ka mid ahaa u jeediyay talooyin wanaagsan.
Waxaa uu mudanayaasha kula dardaarmay inaynan hilmaamin shacabka soo doortay oo aynan taleefoonnada ka dansan.
Waxaa uu kula taliyay inay oofiyaan ballanqaadyadii ay u sameyeen dadweynaha oo ay xalliyaan dhibaatooyinka jira.
Ducaale oo tan iyo sanadkii 2007-dii baarlamaanka ku matalayay shacabka Garissa Township oo horay loo yaqaanay Duujis ayaa cid waliba ka codsaday inay cafiso haddii uu u gafay.
Waxaa uu sheegay in qalad waliba oo ay suurtagal tahay inuu u gaystay uu si shuruud la’aan ah uga raaligelinaya.
Waxaa uu mudanayaasha u sheegay haddii ay dadweynaha u adeegaan inay muddo ka dib si sharaf leh dib ugu noqon karaan si ay codad u waydiistaan.
Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday inuu tixgelin doono codsiyada baarlamaanka marka loo yeero si uu su’aallo uga jawaabo.