Ducaale oo walaac ka muujiyay sheegashada TSC

0
397

Maalmo kadib markii guddiga adeegga macalimiinta ee TSC uu sheegay in kumannaanka macalin ee dalka aysan heli karin daryeel caafimaad iyaga oo isticmaalaayo caymiska caafimaadka bulshada (SHA) ayaa wasaaradda caafimaadka ee dalka waxaa ay cadeysay in dhammaan macalimiinta waddanka ay xaq u leeyihiin qorshahan caafimaad ee ay dowladda taageereyso.
Qoraal uu soo saaray maanta ayuu wasiirka wasaaradda caafimaadka Aadan Barre Ducaale uu ku sheegay in macallimiinta iyo kuwa ku tiirsan ay heli karaan daryeel caafimaad oo hoos yimaada Sanduuqa Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah (PHC), Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Bulshada (SHIF), iyo Sanduuqa Cudurrada Degdegga ah, Ba’an iyo kuwa daba-dheeraada (ECCIF).
Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa cadeeyay in guddiga shaqaalaysiiyo macalimiinta dalka uu xaq u leeyahay inuu bixiyo caymis caafimaad oo dhameystiran taasi oo aan hoos imaan maamulka SHA.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in guddiga uu dooran karo in uu shaqaalihiisa ku diiwaan geliyo sanduuqa qorshaha caafimaadka ee sarkaalka dowladda, kaas oo ay u baahan doonaan in ay go’aamiyaan faa’iidooyinka kaabaya ee ku xiran miisaaniyadda guddiga TSC.
Jawaabta Ducaale ayaa timid laba maalmood ka dib markii Nancy Macharia oo ah maamulaha guud ee Guddiga Adeegga Macallimiinta (TSC), ay ka hadashay Baarlamaanka dalka 24-kii bishan April oo ay sheegtay in maamulka SHA uu diiday in la diiwaan geliyo in ka badan 360,000 oo macalimiin ah.

Sida laga soo xigtay Macharia, maamulka ayaa ku andacoonaya in aysan haysan kaabayaal ku filan oo dalka oo dhan ah si loo diiwaan geliyo macalimiinta iyo in ay u baahan tahay 37 bilyan si loo dhiso dhismayaasha lagama maarmaanka ah.
Ilaa hadda, sida uu sheegay Ducaale, caymiska caafimaadka ee SHA ayaa diiwaangeliyay wadar dhan 21.6 milyan oo Kenyaan ah waxa uuna sidoo kale qandaraas la galay in ka badan 8,000 oo xarun oo caafimaad guud ahaan dalka.