Ducaale oo laamaha dambi baarista ku booriyay inay baaraan sheegashada ka ganacsiga xubnaha biniaadamka

0
481

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan sababo ku filan oo si degdeg ah loogu bilaabi karo baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhaq-dhaqaaqyada xubnaha biniaandamka ee dalka, gaar ahaan marka la eego sheegashooyinka baahsan ee dhawaanahan la xiriira ka ganacsiga xubnaha jirka.
Ducaale ayaa xusay in natiijooyinka ay soo saareen koox cilmi baarayaal badan, kuwaas oo baaritaan ku sameeyay walaaca ku saabsan urur abaabulan oo ka baxsanaya xeerarkii hore u jiray, isla markaana shakiga laga qabay ka ganacsiga xubnaha jirka, ay lama huraan tahay in hanti-dhowr buuxa lagu sameeyo si loo ogaado xaqiiqada.
kooxda culuumta kala duwan oo ka kooban khabiiro ku taqasusay tallaalka kelyaha, anshax-yaqaanno, wakiilo ka socda Adeegga Dhiig-shubidda iyo Gudbinta Kenya, Ururka ay ku midhaysan yihiin Dhakhaatiirta dalka ee KMPDU, Wasaaradda Caafimaadka iyo khubaro tacliin ayaa baaritaankooda waxaa ay ku soo saareen in isbitaalka Mediheal ee magaalada Eldoret oo haatan baaritaano ku socdan in uusan raacin xeerarka u dhejisan wasaaradda caafimaadka oo qaar ka mid ahne deeq bixiyayaasha goobtaas xubnahooda laga helay ay ka soo jeedaan dalal kala duwan.
Kooxda ayaa sidoo kale cadaysay in dhammaan tijaabooyinka Human Leukocyte Antigen-ka lagu sameeyay dalka Hindiya iyada oo aan oggolaansho lagama maarmaan ah laga helin Wasaaradda Caafimaadka ee dhoofinta muunadaha aadanaha ee dalka dibaddiisa. Intaa waxaa dheer, waxay ogaadeen in aysan jirin tarjumaad dukumeenti ah oo loogu talagalay deeq-bixiyeyaasha iyo kuwa qaata ee aan fahmin Ingiriisiga. Tani ayaa ah sababta uu Ducaale u aaminsan yahay in baaritaan muhiim ah ay lama huraan tahay si loo muujiyo runta.