Ducaale oo ka hadlay sheegashada ah in maamulka SHA uu lacag siiyay isbitaalo faalis ah

0
497

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Aadan Ducaale, ayaa meesha ka saaray eedeymaha baraha bulshada ee ah in Maamulka Caafimaadka Bulshada (SHA) ay lacago ku bixiso xarumaha caafimaadka ee aan jirin ama aan shaqaynayn.
Isagoo hadlayay Isniintii shalay Ducaale ayaa waxaa uu ku tilmaamay sheegashada inay yihiin xog ay wasaaraddiisa horay u heysay iyadoo loo marayo waddooyin sharci ah.
Ducaale ayaa caddeeyay in inta badan xarumaha lagu baahiyay baraha bulshada ay mar hore xireen, hakiyeen, ama hoos u dhigeen maamulayaasha caafimaadka bishii May ee sanadkan.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in tillaabo sharci ah laga qaaday xarumaha caafimaadka ee ku yaala ismaamullada kala duwan, oo ay ku jiraan ismaamulka Mandheera, Homabay, Kisii, Wajeer, Nairobi, Bungoma, iyo dowlad deegaanka Kisumu.
Caddeynta Ducaale ayaa waxaa ay daba socotaa baaris xooggan oo baraha bulshada lagu sameeyay qoondada lacag bixinta SHA ee xarumaha daryeelka caafimaadka ee kala duwan.