Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dalka Aadan Barre Ducaale, ayaa ayaa maanta xaruunta dhexe ee wasaaradda ee Afya House ku daah furay 2,000 oo unug ah oo ka kooban Qalabka Silsiladda Qabow (CCE), taasoo calaamad u ah kobcinta kaabayaasha tallaalka ee dalka.
Qalabkan oo ay ku deeqday hay’adda UNICEF, ayaa loo qaybin doonaa dhammaan 47-da degmo si loo hubiyo in tallaalka uu noqdo mid waxtar leh oo si ammaan ah loo gaarsiiyo, gaar ahaan meelaha ay adagtahay in la gaaro.
Ducaale oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku nuux nuux saday in hindisahani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, oo ah tiir muhim ah oo ka mid ah ajandaha dalka ee barnaamijka caafimaadka caalamiga ah (UHC).
Iyadhoo halku dhig looga dhigay “Xoojinta Kaabayaasha Tallaalka ee Qaran Caafimaad qaba,” ayaa munaasabadda waxaa ay muujisay sida ay uga go’an tahay dowladda inay sare u qaaddo helitaanka tallaalka iyo sinnaanta.
Intaa waxaa dheer, wasiirka ayaa sidoo kale daah furay Keydka Xogta Talaalka Isku-dhafan ee Kenya iyo Xariirka Dashboard-ka (KeNIVP) kaasoo ah barnaamij cusub oo dhijitaal ah oo loogu talagalay in lagu bixiyo tallaalka iyo xogta tallaalka ee waqtiga dhabta ah ee qorsheynta iyo go’aan qaadashada.
Isla markaana waxaa uu ku celceliyey sida ay uga go’an tahay in uu ilaaliyo dastuurka isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in mushaharka iyo miisaaniyada la xiriira shaqaalaha wasaaradda caafimaadka lagu wareejiyo maamul goboleedyada.
Duulae ayaa xusay inay ka go’an tahay dowladda inay xoojiso gaarsiinta tallaalka miyiga ugu dambeeya, si loo hubiyo in ilmo kasta, iyadoo aan loo eegin goobta uu joogo, laga ilaaliyo cudurrada tallaalka laga hortagi karo.
Waxaa munnaasabada ku wehliyay wasiir Ducaale wakiilka UNICEF, Mr. Mahboob Bajwa, wakiilka WHO, Dr. Abdourahmane Diallo, xoghayeyaasha maamulka Dr. Ouma Oluga (Adeegyada Caafimaadka) iyo Ms. Mary Muthoni (Caafimaadka Dadweynaha), Agaasimaha Guud ee Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.