Dowladdu oo soo bandhigtay wejiga 2-aad ee mashruuca NYOTA oo lagu beegsanayo 50,000 oo dhalinyaro ah oo ku nool 27 ismaamul

0
237

Dowladdu waxay bilowday wejiga labaad ee bixinta raasamaalka ganacsiga bilowga ah iyadoo la raacayo Mashruuca NYOTA, kaas oo lagu beegsanayo ku dhawaad 50,000 oo ganacsato dhallinyaro ah oo nugul oo ku kala nool 27 ismaamul.
Bixinta, oo loo qorsheeyay Janaayo 8-da iyo Janaayo 16-da 2026, ayaa ka dambeysay dhammaystirka tababarka xirfadaha ganacsiga ee saddexda maalmood ah ee qasabka ah ee ay sameeyeen ka-faa’iideystayaasha guuleysta.
Ka-faa’iideystaha kasta wuxuu heli doonaa 22,000 oo shilin oo lagu shubay boorsadiisa Nyota Pochi la Biashara, oo ay weheliso 3,000 oo lagu keydiyay akoonka Haba na Haba oo ay maamusho Sanduuqa lacagta hawlgabka NSSF.
Mashruuca NYOTA waa hindise shan sano ah oo ay wado Dowladda Kenya, waxaana maalgeliya Bangiga Adduunka.
Waxay dooneysaa inay furto kartida dhallinyarada Kenya iyadoo wax ka qabanaysa shaqo la’aanta, ballaarinta fursadaha dakhli-abuurka, iyo kobcinta dhaqanka keydinta iyo ganacsiga.
Mashruucan oo ay hirgelisay Waaxda Horumarinta Shirkadaha Yaryar iyo kuwa Dhexe , ayaa ujeedadiisu tahay in la awoodsiiyo in ka badan 100,000 oo dhallinyaro ah oo ku kala nool dhammaan 1,450 waaxood oo dalka oo dhan ah, iyadoo ugu yaraan 70 ka-faa’iideystayaal ah ay ka heli doonaan waax kasta.
Qaybta Taageerada Ganacsiga ayaa horey loogu sii daayay dalka oo dhan iyada oo loo marayo tababaro fasal ku salaysan.
Qaybta koowaad ee raasumaalka bilowga ah ayaa la bixiyay Noofambar 7-dii 2025, lagana hergeliyay Galbeedka Kenya ee Ismaamulada Kakamega, Vihiga, Busia iyo Bungoma.
Wadarta 12,155 ka-faa’iideystayaal ah ayaa helay 25,000 midkiiba, oo ay ku jirto keydka khasabka ah, taasoo wadarta guud ee lacagta la bixiyay ka dhigeyso 303.9 milyan.
Wajiga 2-aad ee socda waxaa lagu qaban doonaa munaasabado la-talin iyo lacag bixin oo heer gobol ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne William Ruto.
Ismaamulada ay khuseyso waxaa ka mid ah Uasin Gishu, Elgeyo Marakwet, Nandi, Trans-Nzoia, Turkana, West Pokot, Nakuru, Narok, Bomet, Kericho, Baringo, Laikipia, Isiolo, Samburu, Nyeri, Murang’a, Kirinyaga, Nyandarua, Meru, Tharaka Nithi, Embu, Machakos, Kitui, Nairobi, iyo Kiambu.
Wixii ka dambeeya maalgelinta, ka-faa’iideystayaashu waxay mari doonaan barnaamij la-talin ah oo laba bilood ah oo ay bixinayaan khubarada horumarinta ganacsiga iyo ganacsatada maxalliga ah si ay u taageeraan nidaamka deegaanka ganacsiga iyo suuqyada.
Xoghayaha waaxda Horumarinta ganacsiyada yaryar, Susan Mang’eni, ayaa sheegtay in ka-faa’iideystayaasha laga filayo inay si adag u isticmaalaan deeqaha ganacsiga si waafaqsan qorshayaasha ganacsi ee la ansixiyay oo la sameeyay intii lagu jiray tababarka, iyadoo la bixinayo taageero farsamo oo joogto ah.
Waxay intaas ku dartay in jadwalka lacag bixinta ee wejiga saddexaad oo gaaraya 16 ismaamul oo ay ku jiraan Kilifi, Lamu, Tana River, Mombasa, Kwale, Taita Taveta, Kisumu, Siaya, Homa Bay, Migori, Nyamira, Kisii, Marsabit, Garissa, Mandheera iyo Wajeer lagu dhawaaqi doono waqtiga ku habboon.