Dowladda dalka Vietnam ayaa lagu soo warramayaa inay soo rogtay amar bandow ah.
Sidoo kale boqolaal kun oo qof ayaa lagu amray inay meelaha ay hadda deggan yihiin ka guuraan ka dib markii ugu yaraan 8 qof ay duufaan xooggan ugu dhinteen Filibiin.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday cabsi ah in duufaanta Noru ay ku dhufan karto gobolka bartamaha ee Vietnam.
Amarka dowladda ayaa soo imaanaya ka dib markii la saadaaliyay in duufaanta ay halkaasi gaari karto galinka hore ee berri oo Arbaco ah.
Ra’iisul wasaaraha dalka Vietnam Pham Minh Chinh ayaa shir ku saabsan maareynta xaaladaha degdegga ah oo uu maanta guddoomiyay ka sheegay inay qaadayaan tallaabooyin falcelin ah oo adag sidoo kalena degdeg ah.
Waxaa heeggan la geliyay qiyaastii 270,000 oo ah ciidamada militariga si ay qayb uga noqdaan maareynta musiibada laga cabsi qabo ee duufaanta.
Dadka lagu amray inay guriyahooda ka guuraan ayaa ah 400,000 waxayna ku nool yihiin magaalada caanka ku ah dalxiiska ee Hoi An.




