Dowladda Urdun oo gargaar cunto ah u dirtay Yemen xilli ay sii kordhayso xiisadda koonfurta dalkaas

0
310

Ciidamada Qalabka Sida ee Urdun ayaa Talaadadii u diray kolonyo cunto gargaar ah Yemen iyadoo xiisad sii kordhaysa ay ka jirto koonfurta dalkaas.
Kolonyadan oo ka kooban 13 baabuur oo sida 54,600 oo xirmooyin cunto ah, ayaa ujeedadooda tahay inay daboolaan baahiyaha degdegga ah iyo inay gargaar u fidiyaan muwaadiniinta Yemen, sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen militariga Urdun.
Bayaanku ayaa ku nuuxnuuxsaday in shixnaddani ay ka tarjumayso ballanqaadka socda ee Urdun ee ah inay taageerto waddamada deriska la ah xilliyada dhibaatooyinka iyo inay kor u qaaddo midnimada Carabta.