Dowladda dalka Switzerland ayaa baarlamaanka u gudbisay qaraar ka dhan ah xirashada niqaabka ama indha-shareerka.
Soo jeedinta ayaa ah in haweeneydii aan u hoggaansamin amar sanadkii hore lagu mamnuucay labiskan in la saaro ganaax lacageed oo ah 1,000 doolar.
Bayaanka dowladda waxaa u cad in arrintan lagu xaqiijinaya badqabka bulshada iyo nidaamka kala dambeynta sidaas awgeedna aan mudnaanta koowaad la siinayn ciqaab.
Sanadkii hore ayay ahayd markii afti lagu qabtay Switzerland ay dadkii ka qayb qaatay boqolkiiba 51.2 taageereen mamnuucidda niqaabka.
Tani ayaa aad loo dhaliilay waxaana lagu tilmaamay islaam nacayb.