Dowladda Suudaan oo Jartay Xiriirkii Diblomaasiyadeed ee Imaaraadka Carabta Kadib Eedaymo Xooggan

0
400

Golaha difaaca ee la safan ciidamada milatariga Suudaan ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in xiriirkii diblomaasiyadeed loo jari doono Imaaraadka Carabta, kaddib markii ciidamada Suudaan ay ku eedeeyeen dowladda Imaaraadka in ay si toos ah u taageerto ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF-ta ee dagaalka sokeeye ka wada dalka.
Golaha difaaca ayaa ku eedeeyay Imaaraadka in ay RSF siiyeen hub casri ah iyo agab istiraatiiji ah, taasoo u suurto gelisay inay fuliyaan weerarro culus oo lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla Port Suudaan maalmihii Axadda ilaa Isniinta taasoo sare u sii kicisay colaada labada sano soo jirtay.
Go’aankan kadib Taliyaha ciidamada militariga Suudaan Abdel Fattah al-Burhan ayaa ka hadlayay garoonka Port Suudaan, halkaas oo uu ka ballan qaaday in ciidanka dowladda ay “guul ka gaari doonaan maleeshiyaadka iyo cid kasta oo garab iyo taageero siisa.”
Golaha difaaca ayaa ku dhawaaqay in Imaaraadka ay hadda u arkaan “dal gardarro sameeyay”, iyagoo sheegay in dowladda Suudaan ay xaq u leedahay inay ka jawaabto “gardarradaas si kasta oo suurtogal ah si loo ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.”
Inkasta oo Imaaraadka Carabta ay si joogto ah u beeniyeen eedeymaha ah in ay taageeraan RSF, haddana warbixinno ay soo saareen khubaro Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Maraykanka ayaa muujiyay caddeymo la aamini karo oo tilmaamaya kaalinta Imaaraadka ee hub siinta xoogagga mucaaradka.
Warbixintii ugu dambeysay ee guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee lasoo saaray bishii April ayaan si toos ah aan u xusin Imaaraadka, marka laga reebo in lagu sheegay doorkooda wadahadallada nabadeed ee Suudaan.
Isniintii, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa sheegtay in aysan awood sharci ah u lahayn inay ka garnaqdo dacwad ay dowladda Suudaan kusoo oogtay Imaaraadka, taasoo ku saabsaneyd eedeymo la xiriira in ay hurinayaan xasuuqka Darfur iyagoo hub siinaya RSF.
Suudaan waxay horay ugu dooday maxkamadda ICJ in Imaaraadka ay jebiyeen Heshiiska Ka-hortagga Xasuuqa iyagoo taageeraya xoogag maleshiyaadka, balse Imaaraadka ayaa ku andacooday in dacwaddaas la tuuro.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo beesha caalamka ay si weyn isha ugu hayso xaaladda sii xumaaneysa ee Suudaan, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda Suudaan iyo Imaaraadka ay horseedi karto faragelin diblomaasiyeed oo baaxad leh.