Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay dhimista tirada ciidamada howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ee ku sugan dalkaasi.
Waxaa ay dowladda Soomaaliya xaqiijisay inay ka go’an tahay in mas’uuliyadda amniga kala wareegto howlgalka ATMIS.
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in 2,000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS laga saari doono Soomaaliya marka la gaaro dhammaadka bishan.
Waxaa ay wasaaradda intaasi ku dartay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay inay abuurtay ciidamo taageero ka helaya saaxiibbadeeda caalamiga ah, kuwaas oo la wareegi doona mas’uuliyadda amniga 2,000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS ah, kuwaas oo waajibaadkooda wareejin doona dhammaadka bishan Lixaad ee June.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay raacayso oo ay dhaqangelinayso qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dhigaya in la yareeyo tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ku sugan.
Dowladda ayaa magacowday koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban ATMIS iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) kuwaas oo kormeeri doona dhaqangelinta bixitaanka ATMIS.