Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in maamulka hawada ay iyadu si buuxda gacanta ugu hayso

0
228

Qoraal ka soo baxay xafiiska hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya. Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).”
Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.”
Warkan ka soo baxay hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa yimid, xilli maamulka Somaliland uu sheegay inay soo ceshatay maamulka hawadeeda, si aynan dowladda federaalka u carqaladeyn duullimaadyada caalamiga ah ee ka degga magaalada Hargeysa.
Dhowr jeer oo hore hay’adda socdaalka ayaa celisay duullimaadyo aan fasax ka haysan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeyay inay jebiyeen xeerka caalamiga ah ee u hoggaansanaanta awaamiirta hawada ee ay dowladuhu bixiyaan.
Tan iyo markii Somaliland ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Itoobiya, dowladda Soomaaliya ayaa si dhow ula socotay duullimaaadyada ka yimaada Itoobiya iyo Taiwan, kuwaas oo lagu eedeyay inay ku lug leeyihiin arrimo ka soo horjeeda madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.