Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la fashiliyay weerar Al-Shabaab u maleegayeen beerta nabadda

0
366

Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa la sheegay inay fashiliyeen shabakad ka tirsanayd Al-Shabaab oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay inay ciidamadu gacanta ku dhigeen jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.
Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay sida dowladdu sheegtay, shabakada loo diyaarinayay weerarkan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.
NISA waxay sheegtay inay la socotay dhaqdhaaqa Al-Shabaab ee diyaarinta weerarkan, taas oo ugu dambayntii keentay in sirdoonka uu fashiliyo weerarka ay Al-Shabaab ay damacsanaayeen.