Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaalo culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray Tuulada Muryaale oo u dhexeysa deegaanka Basra iyo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Dagaalka ayaa la soo wariyay inuu ahaa mid aad u xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaalamay.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdikaamil Shukri Macallin ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen dagaalka ka dhacay Tuulada Muryaale 19 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu sheegay inay halkaasi isku aruursanayeen.
“Ciidanka Dowladda ayaa 19 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ku dilay Tuulada Muryaale oo u dhexeysa Basra iyo Balcad, ka dib markii maleeshiyaad Argagixiso ah ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaasi, Ciidamada oo helay xogta Argagixisada ayaa waday roondo xilliga uu dagaalka dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raadjoogaan firxadka Argagixisada” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macallin.
Si kastaba ha ahaatee Afhayeenka Wasaaradda Amniga ma uusan sheegin in khasaare uu dhankooda ka soo gaaray dagaalka ka dhacay Muryaale, waxaase wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu jiro khasaare soo gaaray dhanka ciidanka dowladda, islamarkaana uu dhaawacmay Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Xasan Fanax iyo Askar kale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Qaybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe howlgallo culus ka waday inta u dhexeysa Balcad iyo Basra, waxaana Jimcihii la soo dhaafay qarax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 19 ka tirsan Al-Shabaab




