Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ATMIS aysan ka helin taageeradii looga baahnaa ee dagaalka Al-Shabaab

0
302

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha dalka Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in dowladda aysan howlgalka ATMIS ka helin taageeridii looga baahnaa ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelay ATMIS in ay ahayd, inay qaadaan weerarro guurguura oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, hase ahaatee arrintaasi aynan dhicin.
La taliyaha amniga qaranka ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay kaligeed isku tashatay oo ay qaaday howlgallo guurguura, kuwaas oo dhul badan oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug looga xoreeyay kooxda Alshabaab.
“Laga soo billaabo bishii Afaraad ee sanadkii hore, sharuudaha ATMIS waxay ahaayeen inay qaadaan dagaalo guurguura, nasiib darro arrintii ma aysan dhicin, nasiib wanaag, dowladda Soomaaliya ayaa shaqadeedii iska sii qabsatay, iyadoo aanan taageero badan ka helin ATMIS,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha wadanka Soomaaliya.
Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay sababta ay dowladda heshiiska ula gashay dowladaha deriska ay tahay, inay u muuqan weyday in ATMIS ay isku diyaarinayso qaabka dagaalada jabhadaha ah.
Waxaa uu sheegay in ATMIS ay ku andacoodeen in ay u xayiran yihiin diyaarado wax duqeeya oo ay ka sugayaan caalamka.
La taliyaha ayaa ugu dambayn sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in ATMIS ay ku ekaato inay ilaaliso amniga goobaha ay ku sugan tahay, inta ay dowladda dalka ka xoraynayso kooxda Al-Shabaab.