Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii huteel Xayaat

0
298

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii ku billowday qaraxyada Is-miidaaminta ahaa ee xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadeen huteelka Xayaat ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii saacadaha badan socday uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray dhismayaal.
Waxaa uu xaqiijiyay in 21 qof ay ku dhinteen weerarkii huteelka Xayaat, ayna jiri karaan meydadka dad ay ehelladooda aasteen, halka ay ku dhaawacmeen weerarka 117 ruux oo 5 ka mid ah dadkaasi ay qabaan dhaawacyo culus.
Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay mas’uuliyad gaar ah iska saari doonto daryeelka dadka waxyeelada ka soo gaartay weerarkii Al-Shabaab, isagoona tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxyadii dhacay.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu u mahadcelinayo bahda Caafimaadka oo uu xusay inay qayb ka qaateen gurmadka loo sameeynayo dadka shacabka ah ee dhaawacyada qaba, isagoo xusay in xogta khasaaraha ee uu shaaciyay ka soo uruuriyeen Isbitaallada Magaalada.
Si kastaba Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay soo afjaray dagaalkii socday in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah, oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ka dhex dagaalameen huteelka Xayaat.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ay ku laysay Askar badan iyo xubno kale.