Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa si nabad ah gacanta ugu dhigay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo ka badan 15 sano ay Al-Shabaab maamulayeen.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Col.Cabullaahi Cali Caanood, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamadu xalay magaalada Wabxo gudaheeda iyo bannaankeeda ka sameeyeen howlgal miino baaris ah.
Col. Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamada la wareegeen tuulada Warxoolo iyo deegaanno kale oo u dhexeya magaalooyinka Ceelbuur iyo Guriceel.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ayaa tilmaamay in howlgalka lagu xoreeyay Wabxo inuu qayb ka yahay mid lagu xoraynayo deegaannada Galgaduud ee gacanta ugu jirta kooxda Alshabaab.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ku guulaystay inay xorreeyaan dhul ku fadhiya 200 kiilomitir oo hoos yimaada gobolka Galgaduud.
Waxaa ay hadda ciidamada isku diyaarinayaan magaalada Ceelbuur oo ka mid ah deegaannada ugu muhiimsan oo Al-Shabaab gacanta ku hayaan.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay si buuxda ula wareegtay deegaanka Wabxo