Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal Shalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen inta u dhexeysa deegaanada Galcad iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya sheegtay in lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo uu ku jiray horjooge magaciisa lagu sheegay Cali Axmad Guure oo loo yaqiinay Cali Qoyane.
Horjoogahaan ayay dowladda sheegtay inuu ka mid ahaa horjoogayaasha Al-Shabaab ee gobolka Galgaduud kuwa ugu daran ee dhibaatada ba’an ku hayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada gobolkaasi.
Taliye ku xigeenka Ururka 7-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Xiddigle Maxamad Xasan Abuukar ayaa u sheegay warbaahinta qaranka in dilka horjoogahaan uu yimid ka dib xog ay ka heleen dadka deegaanka.
“Horjooge Cali Axmad Guure (Cali Qoyane) ayaa isagoo maqana ah waxaa ay horay Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil, wuxuuna ka ka mid ahaa horjoogayaasha ugu halista badan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay” ayaa lagu yiri war kooban oo ay baahisay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Howlgalka lagu dilay horjoogahan ayaa sidoo kale la tilmaamay in ciidanka dowladda ay ku soo furteen gaari noociisu yahay NOHA iyo hubkii ay wateen horjoogahan iyo xubnaha kale ee lagu dilay howlgalka qorsheysnaa ee ka dhacay Galgaduud.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dishay mid ka mid ah horjoogayaasha ugu...