Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in saraakiil badan loo xiray weerarkii ka dhacay xerada Jaalle Siyaad

0
253

Wasiirka gaashaanhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamad Nuur ayaa xaqiijiyay in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay xerada Jaalle Siyaad ay dowladdu saraakiil badan u xirtay.
Wasiirka oo hortagay baarlamaanka, ayaa sheegay in baaritaanno ay ku socdaan saraakiil badan oo loo xiray mas’uuliyadda weerarkan, iyo kuwa kale oo uu sheegay inay ku socdaan su’aalo weydiin.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka go’an tahay in ciddii weerarkaasi ku lug lahayd ay dowladda gacanta ku soo dhigto, isagoo sheegay in weerarkaasi uu ahaa dhacdo xanuun badan ku reebtay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa beeniyay in dowladda ay diidan tahay in la ogaado xogta weerarka, isagoo ballanqaaday in marka uu dhamaado baarista la wado ay dowladda si rasmi u shaacin doonto macluumaadkiisa iyo cidda ku lugta lahayd.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii xerada Jaalle Siyaad uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan guutada 14-ka Oktoobar.
Weerarkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 askari ayaa su’aallo la iska weydiinayaa sababta ay ku suurto gashay in qof ismiidaamiye ah uu gudaha u galo, iskuna qarxiyo ciidanka.
Saraakiil ka tirsan nabadsugidda iyo milatariga ayaa loo xiray inay ku lug leeyihiin weerarkan.