Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay warar baraha bulshada lagu baahiyay oo sheegayay in agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cabdul uu dalka ka baxsaday.
War ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warkaas baxsashada ku saabsan.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri, “wasaaraddu waxay caddeynaysa in wax isbeddel maamul ah aanu ka dhicin hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha,”.
Bayaanka ayaa intaa ku daraya in Cabdulqaadir Cilmi Cabdul uu ku maqan yahay fasax uu ku wargeliyay wasaaradda amniga gudaha.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay war laga faafiyay agaasimaha hay’adda socdaalka iyo...