Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay in gaadiid dagaal oo wasaaradda arrimaha dibadda leedhahay uu gacanta u galay Al-Shabaab

0
403

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Soomaaliya Abshir Jaamac Muuse ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhexmararay oo sheegay in gaadiid dagaal oo uu isagu leeyahay uu gacanta u galay Al-Shabaab.
Wuxuu warkan ku tilmaamay mid been abuur ah oo marin habaabin ah.
“Waxaan umadda Soomaaliyeed ogeysiinayaa in aanu jirin gaadiid aan leeyahay ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya leedhahay oo ka maqan gacanteyda ama u galay Al-Shabaab, wararka arrintaas la xiriira ee baraha bulshada lagu faafiyay waa been abuur lagu jahwareerinayo umadda Soomaaliyeed,” ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook.